Madaxweynaha “Waan dhameystireynaa shirka Hiiraan iyo Sh/Dhexe”

Muqdisho-RisaalaFM- Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka qeyb galay Barnaamij ka baxay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in si deg deg ah loo dhameystiri doo dhismaha maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe si kaalin wax ku ool ah uga qaataan doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan dalka.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in Siyaasadda dowladda ay tahay in la dhiso maamul dowladeedyo ay ka muuqdaan qeybaha bulshadada.

wuxuuna intaa ku daray in ay  Socdaan wadatashiyo la xiriira dhismaha Hiiran iyo Sh/Dhexe .kaas oo dowladdu ay  gacan ku siineyso ,fursadaha lagu xallinaayo dadka wax tabanaya.

Madaxweynaha ayaa qiray in dowladdu ay  isku day day in ay wax ka qabato dagaaladii ka dhacay magaalada Beledweyne halkaasina uu tilmaamay in uu u diray madaxda dowladda, Nabadoono,Ganacsato iyo Waxgarad kale oo wax ka qaban kara heshiisiinta labadaasi beelood.

Xasan Sheekh Maxamuud  waxa uu shaaca ka qaaday in dowladdu ay ku howlan tahay samata-bixinta dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka jira magaalada Beledweyne,isagoo intaa raaciyay in maalmaha  soo socda  la dirayo kaalmooyin samafal oo wax u tara dadka ay barakiciyeen fatahaadaha Wabiga Shabeelle.