Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni oo khudbad ka jeediyay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay in la xoojiyo dagaalka ka dhan ka ah Ururka Al-shabaab.
Waxaa uu sheegay in bilihii lasoo dhaafay xoojiyeen Weerarada ay ku qaadayaan saldhigyadda Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in Qaramada Midoobey laga doonaayo xoojin taageeradooda ka dhanka ah dagaalka Al-Shabaab.
Waxaa uu Xusay in ciidamo badan oo ka socda ay dowladda Uganda in ay ku sugan yihiin Soomaaliya,islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay xoojiyaan dagaalka Al-Shabaab.
Yuweri Museveni ayaa walaac xooggan ka muujiyay taageero xumida beesha caalamka ee hawlgalka ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.
Gudaha Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan ciidamo badan oo kasocda dowladda Uganda ,kuwaa soo qeyb ka ah howlgalka lagu dagaalamaayo dagaalyahanada Al-Shabaab.


