Madaxweynaha Turkiga oo u hanjabay jabhada Kurdiyiinta

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajep Deyib Erdogan ayaa shaley ku goodiyey in ay ciidamadiisu isbalaarin ku sameyn doonaan goobaha kale ee jabhada Kurdishku ay kaga sugan tahay dalka Suuriya, ka dib markii ay ka sareen degmada Afrin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay ciidamada Turkigu bartil-maameed ka dhiganayaan magaalada Manbij iyo Ayn Carab oo sidoo kale loo yaqaan Kobani, iyo magaalooyinka kale oo ku teedsan xuduudka Turkiga ee bariga ka xiga wabiga Yufaretis.

Isbalaarin ay ciidamada Turkidu sameeyaan ayaa waxa ka dhalan kara colaad dhexmarta Turkiga iyo Mareykanka oo labaduba ka wada tirsan isbahaysiga NATO.

Magaalooyinka xuduudka ah ayaa waxaa maamula jabhada Kurdida Suuriya ee ay Mareykanku taageeraan, iyadoo ciidamao Mareykan ahna ay ku sugan yihiin Manbij.

Turkiga ayaa doonaya in Magaalooyinka ka agdhaw xuduuda ay wadaagaan Syria inuu ka sifeeyo dhamaan jabhadaha hubaysan ee dalka Syria ka dagaalama.

Ciidamada Turkiga oo wata dabaabaadka dagaalka ayaa ku sii qul-qulaya Magaalada Afrin oo shalay ay la wareegeen.