DHAGEYSO: Madaxweynaha oo Dalacsiiyay Saraakiil ciidan

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu qabtay xarunta Gen. Kaahiye isagoo Tababar u soo xiray 19 Sarkaal oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya, sidoo kalena Madaxweynaha ayaa Dalacsiiyay Saraakiishaas  oo darajadooda darajo kale ugu daray.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiil ciidan, xubno ka tirsan Labada Gole ee dowladda, ciidamo ka tirsan dowladda iyo Marti sharaf kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale tababar ufuray 200 oo ciidan kuwaas oo ka mid noqonaya ciidanka Boliiska.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa ciidamadan kula dar daarmay in ay ka faaideystaan tababarka si bulshada ay ugu adeegaan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka furitaanka Tababarkan uu yahay sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa ciidanka Booliska iyo tababaridooda, si ay u xoojiyaan howlaha ay ugu adeegayaan bulshada.

Ciidamadan cusub ayaa marka ay dhameystaan tababarkani waxaa kuwooda ugu firfircoon loo diri doonaa dalka dibadiisa.