Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta booqasho ku tagey magaalada Laascaanood isago oo markii dambe uga sii gudbay deegaanka Tuka-raq oo ay dhawaan ka dhaceen dagaal beeleedyo, sida uu xaqiijiyay Afahayeenka madaxtooyada Somaliland,Maxamuud Warsame Jaamac.
Afahayeenka wuxuu sheegay in madaxweynaha uu ugu baaqay dadka ku nool deegaanka Tuka-raq iyo ciidammada halkaasi joogaba inay nabadda ka shaqeeyaan ayna iska foggeyaan tallaabo kasto uu dhiig ku daadan karo.
Muuse Biixi ayaa sidoo kale ku baaqay in la xoojiyo isu socodka iyo wada noolaanshaha buulshooyinka wada dego halkaasi.
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayay Laascaanood ayaa dadweynaha ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida gobolka.
Degaanka Tuka-raq waxaa horraan ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidammada Somaliland iyo ciidammada Puntland.
Deegaanka Dhumay oo aan sidaas uga foggeyn magalaada Laascaanood waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal beeleedyo ay ku dhinteen dad badan kuwaaso oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka reer miyiga.



