Garowe-RisaalaFM- C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa maanta waxa uu dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee maamulka Puntland kadib safar uu ku joogay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Kanooko ee duleedka magaaalada Garoowe kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland Axmed Cali Xaashi, Wasiirro, Xildhibaano iyo maamulka gobolka Nugaal.
C/wali Gaas ayaa waxaa loo gudbiyay qasriga Madaxtooyada maamulka Puntland, halkaas oo uu kula hadlay qaybaha kala duwan ee warbaahinta isla markaana uga warbixiyey safarkii uu ugu maqnaa magaalada muqdisho iyo waxyaabihii uga soo hirgalay.
Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in safarkiisii uu guul ku soo dhamaaday maadaama Madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu xeer Madaxweyne ku meel mariyey heshiiskii ay wada gaareen maamulka Puntland iyo dowladda Soomaaliya.
Dhinaca kala Madaxweynuhu waxa uu sheegay in maalmaha soo socda magaalada Garoowe lagu qaban doono shirka madasha wadatashiga Qaran isla markaana ay halkaan isugu imaan doonaan Madaxda dawladda Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada.


