Madaxweynaha Puntland oo kulamo horleh ka bilaabey Nairobi

Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Nairobi kulan kula qaatay danjiraha Sacuudiga u fadhiya Nairobi Ambassador Dr. Mohamed Abdulghani khayaad.

Madaxweyne Deni iyo Ambassador Dr. Mohamed Abdulghani ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka Ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo , iskaashiga labada dhinac ee horumarinta mashaariicda Puntland u baahantahay.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen sidii xoolaha Puntland loo geyn lahaa suuqyada Sacuudiga iyo in ganacsatada Sacuudigu maalgashi ka sameeyaan gudaha dalka, gaar ahaan deegaannada Puntland.