Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa maanta laga soo dejiyey dad kusoo dhaawacmay dagaallada ku salaysan muranka qabaa’ilka ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey duleedka magaalada Kismaayo.
Dagaalladan ayaa ilo kala duwan ay sheegayaan inay dhinteen dad aad u badan.
Mid ka mid ah waxgaradka oo dhaawacyada keenay Isbitaalada Muqdisho laguna magacaabo Abuukar Macallin Cali ayaa sheegay inay dhaawacyada yihiin Shan Ruux oo kamid ah maleeshiyaadkii dagaalamay.
Waxa uu sheegay in xaaladooda ay tahay mid kala duwan,waxaana uu ku baaqay in dagaalkaas la joojiyo,isla markaana waxgaradka labada dhinac looga baahan yahay inay ku baxaan.



