Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Madaxweynaha Puntland oo kulamo horleh ka bilaabey Nairobi

Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Nairobi kulan kula qaatay danjiraha Sacuudiga u fadhiya Nairobi Ambassador Dr. Mohamed Abdulghani khayaad.

Madaxweyne Deni iyo Ambassador Dr. Mohamed Abdulghani ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka Ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo , iskaashiga labada dhinac ee horumarinta mashaariicda Puntland u baahantahay.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen sidii xoolaha Puntland loo geyn lahaa suuqyada Sacuudiga iyo in ganacsatada Sacuudigu maalgashi ka sameeyaan gudaha dalka, gaar ahaan deegaannada Puntland.

Exit mobile version