Madaxweynaha oo u ambabaxay Masar

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyaggoo ku sii jeeda dalka Masar.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxa ay dalka Masar uga qeyb galayaan shirka Ganacsiga Afrika oo lagu qabanayo Magaaladda Sharma Shiikh ee dalkaasi.

Farmaajo ayaa waxaa safarkaan ku wehlinaya Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa shirka ay ka qeyb galayaan uu socon doonaa 7 ilaa iyo 9 bishan December, iyaddoo lagu gorfeyn doono horumarka ganacsiga Qaaradda Afrika.

Marka laga soo tago Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale waxaa shirkaas Masar ka dhacaya ka qeyb gali doona qaar kamid ah Madaxda wadamada Afrika, waxayna Madaxdaasi shirka Gacansiga Africa 2017 Forum ka jeedin doonaan khudbado.