Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo maanta booqasho rasmi ah ku tagay Kenya ayaa ka qeyb galaya shir ka furmaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gelinkii dambe ee maanta Nairobi gaaray ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya oo uu ka mid yahay Xildhibaan Aadan Barre Ducaale iyo xubno ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Kenya.
Shalay oo Talaado aheyd waxaa gaaray Magaalada Nairobi wafdi kale oo hordhac u ahaa socdaalka Madaxweyne Farmaajo kuwaasi oo u badnaa Xafiiska Warfaafinta Madaxweynaha Soomaaliya.
Shirkan oo ay ka qeyb galayaan Madax ka socota qaar ka tirsan dalalka Afrika ayaa waxa uu berri ka furmayaa sida uu qorshuhu yahay Magaalada Nairobi.
Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen Dowladda Kenya iyo Hay’adda UNICEF ayaa waxaa looga hadlayaa sidii wax loogu qaban lahaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku daadsan dalalka Qaarada Afrika Qaarkood iyo Qaxootiga ku jira xerada Dhadhaab.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu qudbad ka jeediyo shirka, taasi oo uu kaga hadlayo arrimaha Qaxootiga, Abaaraha iyo Amniga, isaga oo sidoo kale shirka kadib kulamo gaar gaar ah la qaadan doona Madaxda ka soo qeyb galeysa shirkan.
Waa safarkii Labaad uu Madaxweyne Farmaajo ku aado dalka Dibaddiisa, kadib markii 8-dii Febraayo ee sanadkan loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ka horeeyay safar uu ku tagay dalka Sacuudiga.





