Madaxweynaha oo ka hadlay Doorashooyinka dalka ka socda

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka billowday Magaalada Cadaado ee Dowlad Gobolleedka Galmudug iyo Doorashooyinkii Aqalka Sare oo magaalada Jowhar ee Dowlad Gobolleedka Hirshabelle shalay si guul ah ugu soo gabagaboobay.

Madaxweynaha ayaa marka hore ugu hambalyeeyey Madaxda, Xidhibaanada iyo shacabka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle hanaanka dimuqraadiyadda leh ee uu baarlamaanka Hirshabeelle u doortay xildhibaanada Aqalka sare u matali lahaa.

“ Waxaan rabaa in aan u hambalyeeyo, Madaxweynaha , Madaxweyne xigeenka, Guddoonka Baarlamaanka, Xildhibanaada iyo dhammaan shacabka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle oo ku guuleysatay in ay doortaan Aqalka Sare maalinti shalay. Waa tallaabo dhiira-gelin leh in Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle oo dhowaan curtay inuu doortay xubnahii u matali lahaa Aqalka Sare” ayuu yiri Madaxweynaha.

Dhan kale kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey hambalyana u diray dowlad Gobolleedka Galmudug oo maanta bilowbay doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“ Sidoo kale, waxaan hambalyo u dirayaa Dowlad Gobolleedka Galmudug oo maanta billowbay doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Baarlmaanka Galmudug iyo dhammaan shacabka Galmudug ,waxaan leeyahay tallaabo muhiim ah ayaad u qaadeen dhanka horumarka dalka” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u mahadceliyey Guddiga Doorashooyinka ee heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal oo in muddo ah waday qorshaha Hannaanka Doorashooyinka 2016 oo maanta ku guuleystay in doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ay ka bilowdaan goobihii lagu ballamay.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey hanaanka ay u socdaan doorashooyinka Aqalka Hoose dowlad Gobolleedyadda, Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo horrey u billowbay doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyey dhammaan ummadda Soomaaliyeed sida habsamida ah ee ay doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka federaalka uga socdaan dalka Soomaaliya islamarkaana u rajeeyey in inta ka harsan doorashooyinka in si guul ah Alle ugu soo idleeyo.