Madaxweynaha oo amar ku bixiyay in la baaro qoyskii lagu rasaaseeyay Muqdisho

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa amar ku bixiyay baaritaan rasmi ah in lagu sameeyo cidii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Qoyska Xasan Cabdi Cawad oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo ganacsade ah, kaasi oo caruurtiisa gaari ay saarnaayeen lagu rasaaseeyay 15-kii Bishan Degmada Hodan.

Mid ka mid ah Caruurta ayaa geeriyooday, halka laba kale oo xaaladooda caafimaad ay liidato shalay dalka dibadiisa loo qaaday, kadib markii mid ka mid ah caruurta dalka wax looga qaban waayay Koomana uu ku jiray.

Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuled oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay falkaasi in aanan sidaasi looga hari doonin oo Dowladda Soomaaliya ay ku sameynayso baaritaan dhab ah.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha inuu si adag amar ugu bixiyay baaritaanka xasuuqa loo gaystay qoyskaasi oo illaa hadda aanan la ogeyn cida ka dambeysay falka lagu rasaaseeyay.

Qoyskan oo gaari yar wada saarnaa ayaa lagu rasaaseeyay agagaarka Isbitaalkii Digfeer ee Degmada Hodan, waxaa halkaasi ku geeriyooday saddex, halka Afar kalena dhaawac uu soo gaaray, Kooxaha hubaysan ayaa watay  gaari yar.

Madaxweynaha ayaa Hay’addaha ammaanka si adag u faray inay keenaan macluumaad la xiriira cida ka dambeysay falkaan, maadaama falal badan oo horay u dhacay dabagalkii lagu sameeyay ay noqdeen kuwa aanan meel cad wax lagu soo sheegin.