Madaxweynaha Jubbaland oo Magacaabay Mas’uuliyiin Cusub

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Isniin ah Magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha iyo ku xigeenadiisa.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubaland ayaa guddoomiyaha Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha loogu Magacaabay Siyaad Ibraahim Maxamed,ku xigeenkiisa 1aad Ayaan Isaaq Xuseen,ku xigeenkiisa 2aad Yoonis Cali Sheegow halka ku xigeenka 3aad loo Magacaabay Cabdullaahi Xasan Kulmiye.

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu xusay sababta keentay in xilligaan la Magacaabo Gudoomiyaha Cusub ee Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha iyo ku xigeenadiisa.