Xisbiga UPD oo cadeeyay mowqifkiisa xiisada Siyaasadeed ee Soomaaliya & Kenya

Xisbiya Midowga Nabadda Iyo Horumarka ee uu hoggaamiyo Madaweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqday Xisbiga labaad ee si cad u taageera jawaabtii dowladda Federaalka ka bixisay go’aankii Kenya.

Qoraal xisbigaas kasoo baxay Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa lagu sheegay in Xisbiga uu taagersan yahay jawaabta ay ka bixisay dowladda Federaalka Go’aankii Kenya,sidoo kalena Dowladda Federaalka ay iyadu leedahay gacan ku heynta,ka talinta iyo go’aan ka gaarista sugnaanta xaduudaheeda iyo kheyraadka ku jira.

Sidoo kale Xisbiga  Midowga Nabadda Iyo Horumarka ayaa ugu baaqay dowladda federaalka in ay qaadato tallooyinka ay usoo jeediyaan Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira una arkaan sixid,sidoo kalena Shacabka Soomaaliyeed ay la-wadaagto arrinta sahminta shidaalka gaar ahaan xogta dhabta ah ee shirkii ka dhacay Magalada London.

Geba-gabadii xisbiga ayaa ugu baaqay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya in la dejiyo xaalada siyaasadeed,isla markaana laga warsugo Go’aanka Maxkamada Cadaaladda Adunka ee ICJ.

Hoos Ka Akhriso WarSaaafadeed kasoo baxay Xisbiga Midowga Nabadda Iyo Horumarka.