DHAGEYSO:Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray degaanka Cabdalle Biroole

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta gaaray degaanka Cabdalle Biroole oo dhowr Km u jira Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa waxaa la socday ciidamo aad u badan kuwaa soo la sheegay in ay doonayaan in ay Weerar ku qaadaan degaano ay jooggaan Al-Shabaab.

Degaanada ku dhow Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sugan Al-Shabaab.

Madaxweynaha maamulka jubbaland ayaa dhawaan ku dhawaaqay in Ciidamada Jubbaland ay bilaabi doonaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.