Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha Sirdoonka Qaranka ee Turkiga?

Madaxweynaha Jahmhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Turkiga Mudane Ibraahim Kalin.
Madaxweynaha ayaa muujiyay in doorka Turkiga ee taageerada amniga iyo xasilloonida Soomaaliya uu muhiim u yahay dowladnimada dalka , waxa uuna xusay mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso iskaashiga labada dal ee arimaha amniga, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, xoojinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Kulankan oo uu goob-joog ku ahaa Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaran Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa ka tarjumaya sida Soomaaliya iyo Turkiga ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal ee iskaashiga arrimaha amniga, difaaca iyo ladagaallanka Alshabaab .