Madaxweynaha Itoobiya oo sheegay inay amniga gacan bir ah ku qabanayaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya Dr Mulatu Tashome ayaa sheegay iney dowladdu gacan bir ah ku qabaneyso kooxaha dalka gudahiisa qalaalasaha ka wado.

Madaxweyne Dr Mulatu oo Khudbaddiisa sanadlaha ah u soo jeediyey Golayaasha wakiillada shacabka iyo Federeeshiinka ee dalka Itoobiya ayaa wuxuu sheegay ‘inuu Itoobiya sanadkii tagay uu u ahaa sanad ay isbeddello badan ka dhaceen dalka’.

“Inkasta oo ay dalku u soo hoydeen guulo badan oo dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada haddana qorshooyinkii hormarka ee la rabay in dalka laga hirgeliyo sidi la rabay uma suuragelin”.

Waxaa waddanka qaybahiisa kala duduwan ka dhacayey falal sharci darra ah oo saameyn weyn u geystay amniga iyo xasiloonida dalka.

Daldaloollada dhinaca amniga ee dalka ka muuqday qaarkood waxaa sababay ayuu yiri su’aalo ka dhashay baahiyaha aasaasiga ah oo ay muwaaddiniinta dalka sidi la rabay u helin.