Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii Guddoomiyenimo iyo xubinimada Gudiga Hirgalinta Doorashada Hirshabeelle ka qaaday Axmed Xasan Diini.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa waxaa Xubinimada Gudiga loogu soo daray Maxamed Xuseen Maxamed ( Waadi ), waxaana sababaha xilka qaadista Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle lagu sheegay.

Markuu arkay xagal daacinta iyo Hufnaan la’aanta shaqo ee Guddoomiyaha gudiga hirgelinta Doorashooyinka Hirshabeelle.
Markuu arkay:

Hab dhaqanka aan waafaqsaneeyn nidaamka dowliga ah ee uu sameeyay Guddoomiyaha gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Hirshabeelle
Markuu arkay:.

In Guddoomiyaha Guddiga doorashada Hirshabeelle uu ka leexday habsami u socodka iyo habraacyada doorashada 2020/2022.

Markuu tixgelyay:

Soo jeedinta Xubnaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Hirshabeelle
Markuu xaqiiqsaday: In gudoomiyaha khatar galiyay amniga xubnaha guddiga
iyo badqabka goobta doorashada ay sababta xilka qaadista.

Xilka qaadista Guddoomiyihii Guddiga doorashoyinka Hir-Shabeelle Axmed Xasan Diini ayaa daba socotay kadib markii Guddiga ay soo saareen Guddiga xulista Ergada kursiga Hop#135 oo ay ku fadhiso Aamino Maxamed, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen kuwo aan sax aheyn.