Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo shaaciyay caqabad kajirta Shabeellaha Dhexe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sicad u sheegay inay weli Al-Shabaab ku sugan yihiin dhulka Jiinka Wabiga ah ee kuyaalla Gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaan ay ku dhibaateeyaan dadka Shacabka ah.

Wuxuu sheegay hadii aan la iska xoreyn Al-Shabaab ay keeni karto in degaannada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe la awoodi waayo in laga fuliyo mashaariic kala duwan oo loogu talo galay.

Sidoo kale Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay Shacabka kunool Gobolka Shabeellaha Dhexe inay iska xorreeyaan degaannada ay weli ka joogaan Ururka Al-Shabaab.

Hadalka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kusoo aadaya xilli uu soo geba-gabeeyay socdaal uu maalmahana ku marayay degaano iyo degmooyin katirsan Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, isla markaana uu dib ugu laabtay Magaalada Jowhar