Gaalkacyo-RisaalaFM- Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow waxa ay gaareen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug qeybta maamulka Galmudug uu ka taliyo.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Okaasho Airport ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Galmudug, Maamulka gobolka Mudug, Ururka Haweenka iyo Qeybaha kale ee Bulshada.
Markii uu gaaray magaalada Gaalkacyo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayuu la hadlay saxaafada, waxaana uu uga mahadceliyay soo dhaweynta balaaran ee loo sameeyay.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in hada caafimaadkiisa uu yahay mid wanaagsan maadaama dhowaan qaliin lagula sameeyay dalka Hindiya.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in uu sii amba qaadi doono hawlaha shaqo ee uu ka hayay Maamulka Galmudug.


