Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Jowhar

Jowhar-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa ay goor dhow gaareen Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa wafdigan ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowaladda, kan Gobolka iyo xubno kale.

Ujeedka Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen uu ku tagay ayaa ah si uu uga qeyb galo Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle.

Magaalada Jowhar ayaa goor dhow ka bilaabatay Munaasabad lagu dooranayo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle uu yeelanayo.