DHAGEYSO: Madaxweynaha Soomaaliya oo Xariga ka jaray Shirkada Nadaafada Deegaanka

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiiro, Xildhibaano iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Maanta ka qeyb galay Furitaanka Shirkadda Nadaafada deegaanka {ECCO} oo ah Shirkad Madax banaan oo ka shaqeyneysa Nadaafada deegaanka.

C/Xakiin Yuusuf Xasan oo ah Maamulaha Guud ee Shirkada Nadaafada Deegaanka {ECCO} ayaa Madaxweynaha iyo Masuuliyiintii kale ee furitaanka Shirkada ka soo qeyb galay u sharaxay qaabka ay u shaqeynayaan iyo sababta ay u aas aaseen shirkadan.

Sidoo kale Maamulaha Guud ee Shirkada Nadaafada deegaanka {ECCO} C/Xakiin Yuusuf Xasan ayaa sheegay in ay la imaanayaan Barnaamijyo hormarineed oo la xiriira Arrimaha Nadaafada deegaanka.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in Dowladda Hoose ee Xamar ay Maanta Nadaafada Gobolka Banaadir ku Wareejisay Shirkada Nadaafada deegaanka islamarkaana ay kula Xisaabtamayaan.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Hay’addaha Amaanka iyo kuwa fulinta ku amray in loo fududeeyo shaqooyinka ay Muqdisho ka qabaneyso Shirkadaan Cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amaanay dhalinyarada aas aastay Shirkada Nadaafada deegaanka {ECCO} iyo Fikirka Cusub oo ay la yimaadaan.

10q 9q 8q 7q 3q 2q 4q 5q 6q 1q