Qoor Qoor oo dowlad Goboleedyada kale ugu baaqay inay ka qeyb qaataan la dagaalanka Al-Shabaab

Madaxwenaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo ku sugan degaanka Cadakibir ee Gobolka Galgaduud ayaa u maha celiyay dadka degaanka oo daaal la galay iskana difaacay weerar uga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab inay dhibaato xoogan ku hayaan Shacabka kunool degaannada Galmudug, isla markaana ay bilaabeen ina dadka rayidka ah dilaan, Ceelasha Biyaha Aasan, sidoo kalena ay Isgaarsiinta ka jaraan.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug wuxuu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya & dowlad Goboleedka Galmudug oo mideysan, isla markaana gacmaha is heysta ay la dagaalami doonaan kana saari doonan guud ahaan dalka.

Wuxuu ugu baaqay Maamulada kale ee kajira dalka inay dhankooda ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab, isaga oo sicad u sheegay in marnaba aysan wada noolaan karin Shacab iyo Al-Shabaab intaba.