Madaxweynaha Galmudug oo Degmada Hobyo u Magacaabay maamul Cusub

Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Maanta Magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Hobyo ka dib wada hadalo maalmo dheer qaatay.

Cabdullahi Maxamed Cali ayaa loo Magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Degmada Hobyo, Sidoo kale Gudoomiye ku xigeen waxaa loo Magacaabay Maxamuud Maxamed Cawaale.
Maareeyaha Dekeda Hobyo waxaa loo Magacaabay C/risaaq Maxamed Ducaale, ku xigeenka Maareeyaha Waxaa loo Magacaabay Siid Cali Daahir. Sidoo kale Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Waxaa loo Magacaabay Cabdi Warsame Afrax.
Sidoo kale Taliyaha Booliiska Degmada Hobyo waxaa loo Magacaabay Bashiir Cilmi Geedi, Sidoo kale Taliyaha Nabad sugida waxaa loo Magacaabay Cabdullaahi Cilmi Cawaale.
Wareegtadaan ayaa soo baxday ka dib markii la xaliyay khilaaf ka dhex jirey beelaha dega degmada degmada Hobyo kuwaasoo isku haystay xilka madaxtinimada degmada Hobyo.
Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa gaaray Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Dowlada Soomaaliya C/raxmaan Odawaa, waxa uuna halkaasi kula kulmay qeybaha kala duwan ee Bulshada.