Madaxweynaha Argentina Mauricio Macari ayaa sheegay in dalka uu doonayo in kubada cagta caalamiga ah uu kusoo laabto xiddiga Lionel Messi .
Madaxweynaha ayaa ku kalsoon in Messi uu hoggaamin doono xulka qaranka ee ka qeyb galaya Koobka adduunka 2018 ka dhacaya Russia.
Messi ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah ka dib markii guuldarro Argentina ay kasoo gaartay finalka Copa America bishii June.
Weeraryahanka Barcelona ayaa ku lug lahaa afar finals oo ay gaareen Argentina, laakiin waxa uu ku guuldareystay kaliya mid kamid ah.
inkastoo uu sheegay inuu doonayo in uusan mardambe u ciyaarin xulka qaranka Argentina, Madaxweynaha qarankaan Mauricio Macari ayaa sheegay in 29-sano jirkaan uu beddeli doono go’aankiisa sida fudud uu ku qaatay.


