Madaxweynah Gambia oo illaa bisha May xilka haynaya

Madaxweynaha dalka Gambia Yaxya Jammeh wuxuu sheegay inuusan is casilidoonin ka hor go’aanka maxkamadda sare ee doorashada lagu muransan yahay.

Hase yeeshee, lama filaayo in maxkamadda ay go’aan ka garto arrinta illaa bisha May ee sanadkan.

Hadal uu shacabka u jeediyay, madaxweynaha muddada xilka hayay, wuxuu sidoo kale muujiyay arrinta ku saabsan “faragelin dibadda kaga timaado Gambia”.

Dhexdhexaadiyayaasha gobolka oo Nigeria ay hogaamineyso ayaa la filayaa inay Gambia gaaraan Jimcaha.

Waxay doonayaan inay ku cadaadiyaan inuu xilka ku wareejiyo Adama Barrow, si Gambia aysan qalalaase siyaasadeed u galin.