Madal ay ku mideysan yihiin, Xassan Cali Kheyre, Cabdiweli Gaas, Shariif Sh Axmed iyo Cumar Cabdirashiid, ayaa qoraal kooban ay soo saareen kaga hadlay xaalka siyaasadda dalka iyo Koonfur Galbeed
Waxa ay ku baaqeen in dhammaan siyaasiyiinta iyo maamulka in ay wadahadalka iyo xalka fursad siiyaan kuna qancaan in xalku yahay in Koofur galbeed laga hirgeliyo doorasho la isla oggol yahay.
Sidoo kale waxaan Dowladda Federaalka ka rajeyneyeen in ay qaadato kaalinteeda doorashooyinka labada heer dhowrtan muddo xilleedka sharciga ah si dalka looga badbaadiyo dib u dhac.




