Madaxda maamul goboleedyadda oo kusii jeedda Garowe

Madaxda maamul goboleedyadda ayaa maanta kusii jeedda Magaalada Garowe Caasimadda maamulka Puntland,halkaasi uu ka furmi doono Shirka Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda.

Shirkaan ayaa waxaa laga reebay Madaxweynaha Hirshabeelle oo horay dowladda dhexe ula heshiiyay, waxaana lagu waddo in kulankaasi looga hadlo qodobo ku aadan Xaaladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ka baxay magaalada Gaalkacyo, waxaana uu kusii jeedda Garowe, sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu waddaa in uu maanta gaaro.

Amniga ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana socota soo dhaweynta Madaxda maamul goboleedyadda.