Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam oo uu wehelinayo Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani, ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya.
Kulanka ayaa lagaga hadlay qaabka ugu haboon ee uu ku qabsoomi karo shir weynaha arimaha Doorashada iyo sidii xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha ka jira qaabka uu shirku ku qabsoomayo.
Labada Madaxweyne ayaa Beesha Caalamka la wadaagay aragtidooda la xiriirta qabsoomida shirka.



