Madasha Badbaadada Qaran oo kasoo horjeesatay qorshaha muddo kordhinta

Golaha Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliyeed ayaa si adag uga soo horjeestay muddo kordhin loo sameeyo Farmaajo iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka oo uu waqtigooda dhammaaday.

Sidoo kale waxa sheegeen in hanjabadda ka dhanka ah 15-kii xildhibaan ee uu Mursal sheegay in uu ka ganaxay kulamada golaha shacabka, waxii masuuliyad darro ee ka imaada uu Goddmiyaha golahaas uu qaadi doonno.

Madasha Badbaado Qaran ayaa soo saartay qoraal ay uga digeyso muddo kororsiga mudda xileedka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, madasha ayaa sheegtay in tallaabada muddada loogu kordhinayo hey’adaha Dastuuriga aysan gacmaha ka laaban doonin.

Madasha ayaa sharci darro ku tilmaamtay go’aankii Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu 15 mudane uga joojiyay fadhiga Golaha shacabka, isla markaana baraha koontaroolada la dhigay magacyada mudanayaashaasi.