Saddex qodob oo looga hadlaayo kulanka berri ee xildhibaanada oo la shaaciyay

Maalinta berri ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu waddaa in ay yeeshaan kulan kaas oo diirada lagu saari doona xaaladda Covid 19.

Kulankii ugu dambeeyay waxaa la ganaaxay xildhibaano ka dib markii ay sheegeen in ay ka hortageen muddo kororsi uu waday gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Farriin goor dhow loo diray xildhibaanada ayaa sidaan u qorneyd.

M.ne Xil Beri oo Arbaca ah oo ay Tar 31 March, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka.

Agendaha

  1. Covid19
  2. U Codeyn Laba Xubnood oo Guddiga M/B ee Xuduudaha
  3. U Codeyn Sharciga Qaxootiga Qaranka

Saacadu waa 09:00 subaxnimo