Madaxda Dowlada & baarlamaanada Maamul goboleedyada oo Kulan ku leh xarunta golaha Shacabka

Xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho waxaa ku sugan madaxda ugu sareyso dalka iyo gudoomiyaasha baarlamaanka maamul goboleedyada dalka Soomaaliya iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Kulanka maanta ayaa ka duwan kulamadii hore waxaana ku sugan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, gudoomiyaasha baarlamaanada Jubbaland, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Puntland.

Wariyaha Arimaha Baarlamaanka ee Idaacada Risaala oo ku sugan xarunta golaha Shacabka ayaa soo sheegaya in ujeedada ugu weyn ee kulanka maanta ay tahay arimaha la xiriira dastuurka dalka Soomaaliya, waxaana dhawaan wasiirada Soomaaliya ay soo gudbiyeen  qodobo dastuurka kamid ah oo wax ka badal lagu sameeyay.

Sidoo kale waxaa xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ku sugan gudoomiyaasha xisbiyada dalka ka dhisan qaarkood kuwaasi oo goobjoog ka noqday kulanka maanta.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.