Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa maanta kusoo wajahan Madax kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwa maamul goboleedyada iyo sidoo kale xubno ka socda dalalka Qaarada Afrika.
Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa Saacadaha soo socda lagu wadaa in ay soo gaaran Muqdisho si ay uga qeyb galaan Caleemasaarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Sidoo kale Muqdisho waxaa maanta imaan doono xubno ka socda dalalka Qaarada Afrika oo hordhac u ah Madaxda ka qeyb galaysa Caleemasaarka Madaxweyne Farmaajo.
Sidoo kale Waxgarad iyo dadka kale oo lagu Casuumay Caleemasaarka ayaa maanta imaan Muqdisho.


