Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayna ku midoobeen ilaa lix Xisbi Siyaasadeed ayaa waxaa ay cadeeyeen mowqifkooda ku aaddan Guddiyada Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka ee Magacaaban.
Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa lagu sheegay in lagu cambaareynayo in Xubnaha Guddiyada laga soo xulay Xubno ka tirsan NISA iyo Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda , isla markaana taasi ay baalmarsan tahay shuruucda u yaalla dalka iyo heshiiskii doorasho ee la gaaray.
Sidoo kale Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa ay sheegeen in Xukuumadda Soomaaliya aysan wax Sharci ah u laheyn soo Magacaabida Xubnaha Guddiyada doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee loo yaqaano Soomaaliland, isla markaana taasi ay gef ku tahay nidaamka metelaada dalka iyo isu dheelitirnaanta iyo madax bannaanida Guddiyada.
” Madasha Xisbiyada Qaran waxaa ay ku baaqeysaa in si lamid ah hanaankii doorashada 2016-kii lagu maareeyo kuraasta iyo Magcaabida Xubnaha Guddiyada doorashada ee kuraasta Soomaaliland loona madax bannaaneeyo Guddoomiyaha Aqalka Sare hoggaaminta iyo Magacaabida Guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka maadaama uu kamid yahay hoggaanka ugu sareeya dalka kana soo jeedo gobolada Waqooyi ayaa lagu yiri” Qoraalka Madasha Xisbiyada Qaran.
Ugu dambeyn Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa ay sheegeen inay kasii afeefanayaan in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay qaadi doonaan mas’uuliyadda waxkasta oo keeni kara muran iyo isqab qabsi shaki geliya madax bannaanida Guddiyada iyo natiijada doorashooyinka Golayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka oo ay Magacaabeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa walaac ka muujiyay oo sheegay in Hay’adda NISA iyo Madaxtooyada laga soo xulay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Siyaasiyiinta Mucaaradka, qaar kamid ah musharixiinta Madaxweynaha, iyaga oo dalbaday in dib loogu laabto.