Amb, Daahir Maxamuud Geelle Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne ayaa cadeeyay mowqifkiisa ku aadan Guddiyada doorashooyinka ee Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed ee la Magacaabay.
Amba Daahir Geelle ayaa sheegay in markii uu arkay Magacyada Xubnaha Guddiyada uu xaqiiqsaday inay dhamaantood yihiin Guddiga ololaha Madaxweyne Farmaajo laguna kalsoonaan karin.
” Markaan arkay magacyada guddiga doorashada qaranka ee ay dhowaan dawladdu magacowday, dibna u milicsaday hawlihii ay qaban jireen iyo kuwa ay hadda hayaan, waxaan u arkaa inay yihiin guddiga ololaha Madaxweyne Farmaajo, ee aysan ahayn, noqonna karina guddi doorasho oo heer qaran ah, arrintaasina wax la aqbali karo ma ahan ayuu yiri Amb, Daahir Maxamuud Geelle.
Musharixiin kale iyo qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa kasoo horjeestay Guddiyada doorasho ee la Magacaabay, iyaga oo sheegay in laga soo xulay Xafiisyada Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Rooble iyo Ciidamada NISA.



