Macalimiinta Brazil Iyo Chelsea Oo ka Hadlay Wax Ku Saabsan Oscar

Tababaraha xulka qaranka Brazil Tite ayaa shaaca ka qaaday in loo bahan yahay macalin Antonio Conte uu wax ka ogaado macluumaad dheeraad oo la xiriira taam ahaanshiyaha Oscar.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaan ciyaarin Brazil tan iyo 2015, waxaana uu seegay kulamadii xulalkiisa wajaheen Paraguay iyo Uruguay bishii March, isagoo sidookale seegay dhacdadii Copa America Centenario iyo isreebreebka koobka adduunka oo kale.

Mar la weydiiyay wax ku saabsan 25-sano jirkaan inuu kusoo laaban doono xulkiisa, Tite ayaa yiri: “Waxaan la hadlay Antonio Conte, Oscar waxa uu ku ciyaarsiiyaa qaab ciyaareedka 4-1-4-1 marka la eego dhanka daafaca iyo wweerarkaba xuriyad ayuu u heystaa.

“Laakiin wuxuu sheegay macalinka in qorshihiisa koowaad ee xulka ay yihiin ciyaartooyda Oscar iyo Willian.”

sidookale ciyaartooyda Premier League ee Fernandinho, Roberto Firmino iyo Philippe Coutinho ayaa dhamaan loogu yeerayaa xulka.

Oscar ayaa noqon doonto mid soo gala xulka markii ugu horeysay tan iyo 20015.