Manchester United ayaa ciyaarta ku bilaawday dar dar daqiiqadihii ugu horeeyay, inkastoo kooxda martida loo ahaa ay weeraro deg deh ah ay sameyneysay dhankeeda.
Waxaa labada koox kulankaan ay usoo xusheen ciyaartooydooda ugu muhiimsan, xiddigihii safnaa iyo kuwii keydka ayaa kala ahaa labada sidan:
Watford: Gomes, Cathcart, Prodl, Britos, Janmaat, Pereyra, Behrami, Capoue, Holebas, Deeney, Ighalo
Keydka: Pantilimon, Zuniga, Kenedy, Watson, Amrabat, Guedioura, Success
Manchester United: De Gea, Valencia, Smalling, Bailly, Shaw, Pogba, Fellaini, Rashford, Rooney, Martial, Ibrahimovic
Keydka: Romero, Blind, Carrick, Herrera, Young, Mata, Depay
Garsoore: Michael Oliver
LABA DAQIIQO MAYA GOOL MA NOQON!: Rooney ayaa laad xor ah oo uu soo qaaday waxaa madaxa la helay Smalling, laakiin dadaal badan oo ay sameeyeen daafaca Watford way iska soo saareen.
Waxaa Tababaraha England Sam Allardyce, fadhiya taribuunka ka garab tababarihii hore ee Wolves Kenny Jackett. Plenty ee Three Lions, waayo, Big Sam in eegno maanta.
DAAFAC WANAAGSAN! Shaw,ayaa si xariifnimo leh waxa uu kubada kaga soo reebat Janmaat daqiiqadii sadexaad ee ciyaarta, daafaca dambeedka bidix ee kooxda United ayaa kubadda ku garaacay ninka ree Holland ee Janmaat, taasoo keentay kooxdiisa lasiiyo Goal kick, ama gool ka laad.
12 DAQIIQO : ALL MUXUU GOOL QASAARIYAY Ighalo. De Gea iyo Smalling ayaa isku dhacay xili ay kujireen xerada ganaaxa kooxda United , lakiin kubada oo daadinta gool uu ka helay weeraryahanka Watford Ighalo si fudud ayuu kaga laaday meel 15 yards ujirta shabaqa oo faaruq ah lakiin banaanka ayuu mariyay.
16 DAQIIQO: Badbaadin Cajiib Ah! Goolhaye De Gea, ayaa fursad weyn ka beeniyay weeraryahanka Deeney ka hor inta uusan badbado kale ka helay Valencia kadib cross ka yimid xidiga Janmaat .
Ciyaarta ayaa sii kululaatay, waxaa ciyaartooyda Manchester United ay bilaabeen in ay cadaadis saaraan daafaca iyo khadka dhaxe ee kooxda Watford,inkastoo markasta fursado weerar celin deg deg ah lagu helayay.
30 DAQIIQO: United ayaa si waali ah u garaacday birta Alla muxuu Qayaamay Goolhayaha,Pogba ayaa kubadda ka laaday meel 25-yard ujirta goolka, iyadoo goolhaye Gomes uu waxba ka qaban waayay kubadaasi, lakiin waxaa u hiilisay birtiisa.
32 DAQIIQO: gees ka laaday uu soo qaaday Rooney ayaa waxaa madaxa la helay Smalling ,laakiin daafaca reer England ayaa awoodi waayay inuu kubadaasi ku toosiyo shabaqa, Banaanka ayay martay.
Labada koox ayaa sameeyay fursado iyadoo midkasta oo iska qasaariyay, waxaana intaas kadib ciyaartu noqotay mid kulul oo koox walba laga filan karo in ay dhaliso goolal.
GOAL! Watford 1 (Capoue) Manchester United 0
Britos ayaa ku guuleystay kubada inuu ka dhigo waliba si xoogan Martial, oo doonayay inuu waqti badan heysto , lakiin durba kubada uu loo baasay daafaca Janmaat waxa uu baas hoose gudaha xerada ganaaxa u dhigay Capoue kaasoo shaqa ku riday kubadda.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa kubada ku garaacay goolhayaha kooxda Manchester United De Gea, kaasoo awoodi waayay inuu badbaadiyo kooxdiisa.waxaana ciyaartu ay noqotay 1-0,
Manchester United ayana waxa u dheeraa goolkaasi laga dhaliyay dhawac soo gaaray xiddigeda Martial oo laga saaray garoonka daqiiqadii 38-aad ee ciyaarta, waxaana lagu bedelay Young.
Inkastoo isku dayo badan ay sameysay Manchester United qeybta hore ee ciyaaarta haddana ma aysan helin gool barbaro ah, waxaana lagu kala nastay 1-0, oo ay ku hogaamineyso kooxda martida loo ahaa ee Watford.
Qeybta labaad ee ciyaarta ayana halkeeda kasii soctay,iyadoo labada dhinac anay sameyn wax bedel ah, waxaaana markasta United ay aheyd kooxda caaboon madaama gool lagu lahaa.
47 DAQIIQO: Ibrahimovic ayaa kubadii ugu horeesay qeybta labaad ka qasaariyay kooxdiisa xiddiga ayaa taabashadiisii ugu horeysay wuxuu ku garaacay kubadda goolhaye Gomes , waxaana ay aaday banaanka.
Kooxda Manchester United ayaa cadaadis badan saaray kooxda Watford, waxaana xitaa macalinka Jose Mourinho bedel uu ku keenay Juan Mata, kaasoo lagu bedelay Velancia, waxaana garabka midig ee daaafaca u wareegay Young.
GOAL! WATFORD 1-1 MAN UTD (Rashford, 62)
Rashford ayaa dhaliyay goolka barbaraha, waxa ay aheyd wax nasiib ah in ay dib ugu soo laabatay kubada uu madaxa la wayay markale, isagoo ka dhigay ciyaarta 1-1!
Weeraryahanka United ayaa marka hore madaxa la waayay cross ka yimid Ibrahimovic ka dibna wuxuu ka helay meel ku dhaw goolka markii uu isku qalday xididga Watford Behrami, Rashford ayaana si fudud shabaqa ugu riday.
Manchester United ayaa markaas kadib heshay hami ay ku dhalin karto gool labaad, iyadoo weerar cir iyo dhul ah qaaday, waxaana fursadii ugu weyneyd qasaariyay Ibrahimovic, kaasoo madaxa kulul uu ka saaray goolhayaha Watford Gomes.
GOAL! WATFORD 2-1 MAN UTD (Zuniga, 83)
Taabashadiisii ugu horeysay kooxda Watford ayuu gool u bedelay xididga Zuniga, kadib kubad ay si wada jir ah ugu soo shaqeeyeen Amrabat iyo Pereyra markaasoo xiddiga Zuniga, laad xoogan uu dhaafiyay goolhaye De Gea.
ALLA MUXUU NOQDAY BEDELAY uu guul ku gaaray Macalin Walter Mazzarri – Zuniga aya kaliya 50 ilbiriqsi garoonka kujiray.
Ciyaarta oo waxkasta oo rajo ah ay laheyd kooxda Manchester United soo dhamaaneyso waqtigana uu gabagabo yahay waxaa timid rigoore loo dhigay kooxda Watford.
GOAL! WATFORD 3-1 MAN UTD (Deeney pen, 90+5)
Weeraryahanka Watford ayaa si xoogan kaga dhaliyay rigooradaasi goolhayaha kooxda Manchester United, waxaana ciyaartu ay noqtay 3-1 oo looga badiyay kooxda Maanchester United.
United ayaa waxaa soo gaaray galabta guuldaradii saddexaad oon xiriir ah, iyadoo hore Manchester City iyo Feynord ay usoo garaaceen.


