Maamulka Mandera oo xiray Wadooyin ku yaala gobolka Waqooyi Bari

Maamulka degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay xireen wadooyin badan oo ku yaala deegaanada hoos yimaada degmada Mandeera ka dib markii ay sare u kaceen weerarada ay geysanayaan uruka Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta Booliska degmada Mandera iyo sidoo kale gudoomiyaha degmada Mandera ayaa si wadajir ah u sheegay in ay jirto cabsi xoogan oo ay qabaan dadka ku safaraya wadooyinka gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

“Waxaan xirnay Wadooyinka Wajeer, Mandera, Lafeey maaxaayeelay Al-Shabaab waxay weerarayaan dadka rakaabka ah ” sidaas waxaa yiri Shisia taliyaha qeybta Booliska Mandera.

Maamulka degmada Mandera ayaa sidoo kale sheegay  in ay ka feejigan yihiin weeraro ka yimaada Al-Shabaab ,islamarkaana si weyn loo adkeeyay ammaanka deegaanada Hoos yimaada degmada Mandera.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay laba jibaareen weerarada ay ku qaadayaan ciidamada dowladda Kenya ee ku safraya wadooyinka gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.