Maamulka Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa waxaa ay soo saareen amaro culus oo ku socda Darawalada Gaadiidka ka dhex Shaqeeya gudaha iyo daafaha Magalada Garoowe.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Duqa degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse ayaa lagu amray darawalada Gaadiidka dadweynaha ee PL-ka in ay rakaabka ka dejiyaan daaqadda laamiga xigta si looga fogaado shilalka dhaca mararka qaar.
Warqadaan ayaa waxaa la ogeeysiiyey taliska ciidanka ilaalada waddooyinka gobolka Nugaal iyo saldhiga dhexe ee Garoowe iyo Darawalada Gaadiidka intaba.
Hoos Ka Akhriso Warqada kasoo baxday Xafiiska Duqa degmada Garoowe.




