War saxafadeed kasoo baxay wasaaaradda Howlaha guud iyo guryeenta ee maamulka Jubbaland ayaa dadka degan guryaha danta guud ee dowladda lagu amray in ay si dhaqso leh kaga guuraan guryahaasi.
Waxaa lagu wargaliyay dhammaan dadka degan guryaha dowladda in ay uga guuraan muddo 14 Cisho ah iyadoo cidii u hogaansami weyda amarkaasina ay sheegeen in tilaabo sharciga waafaqasan ay ka qaadi doonaan.
Isla war saxaafadeedkaasi ayaa laamaha ammaanka Jubbaland lagu faray in ay ka saaraan dadka degan guryaha dowladda wixii loo gaaro dhamaadka xiliga fursada loo siiyay in ay kaga guuraan guryahaasi.
Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedkaasi:




