Idaacadda Risaala ayaa maanta waxa ay udabaal degtay sanadguuradeedii 5-aad markii dhibada loo taagay.
Maamulka iyo shaqaalaha Idacaadda Risaala ayaa maanta waxa ay si wanaagsan uga qeyb qaateen ayna ugu dabaal degeen sanadguuradii 5-aad ee Radio Risaala.
Agaasimaha guud ee Idaacadda Risaala Al-ustaad Maxamed C/wahaab C/laahi ayaa waxa uu ka hadlay sanadkii la soo dhaafay waxyaabihii uqabsoomay Idaacadda, waxaana uu sheegay in Idaacadda ay sanadkii tagay qabataay waxyaabo badan oo bulshada faa’ido uleh.
Waxaana dhanka kale uu tilmaamay in Idaacadda sanadka soo socda haduu Alle idmo ay barnaamijyo badan soo kordhin doonto kuwaas oo umadda waxtar uleh.
Dhanka kale shaqaalaha Idaacadda Risaala oo ah dad isku xiran ayaa iyaguna aad ugu dabaal degay sanadguuradii 5-aad ee Idaacadda Risaala.
Waxaana wajiyadooda laga dareemayay farxad aad ubaalaran iyagoo fariimo ku aadan hambalayada sanadguurada Idaacadda ka helayay dhageystayaasha Idaacadda sida tooska ugu tixan.
Sikastaba maanta ayay aheyd markii Idaacadda Risaala ay udabaal degtay sanadguuradeedii 5-aad markii dhidibda loo taagay.
Waxaana Alle ka baryeynaa in sanadkan kiisa kale nabad iyo barwaaqo nagu gaarsiiyo.





