Maamulka Hiiraan oo lala xisaabtamayo

Jowhar-RisaalaFM- Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo u waramay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay la xisaabtami doonaan masuuliyiinta gobolka Hiiraan, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay sameeyeen kala qeybsanaan.

Wuxuu sheegay Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan dadka ka soo jeeda in ay ku mideysan yihiin Baarlamaan, Dastuurkana laga soo ansixiyay shacabka labada dhinac, balse aanan loo baahneyn in la abuuro xaalad kala fogaansho.

“Waxaan la xisaabtameynaa masuuliyiinta gobolka Hiiraan, waxaan wax ka weydiineynaa hadalka ka soo yeeray ee ah in ay ka madax banaan yihiin Hirshabeelle, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan dadka ka soo jeeda waxay ku mideysan yihiin Baarlamaan”. Ayuu yiri xildhibaan Maxamed Bashiir.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa horey u sheegay in ay taageersan yihiin Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble, kaasi oo bartamihii bishii August ee sanakan kalsoonida ay kala laabteen xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle.

Cali C/laahi Cosoble Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle ayaa maamul ka madax banaan Hirshabeelle wuxuu kaga dhawaaqay magaalada Beledweyne, halkaasi oo ay ku sugan yihiin dad isaga taageersan.