Puntland oo sheegtay inay qabatay dadkii ka dambeeyay qaraxyadii Af-urur

Bari-RisaalaFM- Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen dadkii ka dambeeyay qaraxyadii 1-dii bishan ka dhacay tuulada Af-urur ee Gobolka Bari.

Ciidamo ka tirsan Puntland iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay laba qarax oo halkaasi ka dhacay, kadib markii qaraxyada la galiyay kabar jaadka lagu iibiyo hoostiisa.

Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland Gaashaanle Dhexe C/rashiid C/raxiin Ismaaciil oo hadal kooban ku soo qoray bartiisa Facebooka ayaa sheegay dadkan la qabtay in ay isugu jiraan rag iyo dumar.

Wuxuu sheegay Taliayaha dadka la soo qabtay inay ku socdaan baaritaan la xiriira dhacdada loo soo qabtay, waxaana uu intaasi ku daray in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxyada ka dhacay degaanka Af Urur ee Gobolka Bari, waxaana Shabaab ay sheegeen inay dileen ciidamo badan oo ka tirsan Puntland.