Bari-RisaalaFM- Ciidamada ammaanka gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah magafayaashii Tahriibin jiray Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku sugnaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Ninkan oo xalay gacanta lagu soo dhigay ayaa warkan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo).
Wxuuu sheegay Guddoomiyaha ninkaasi in hada ay ku socdaan baaritaano, Maxkamadna la horkeeni doono, si cadaalada loo marsiiyo.
Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo) Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa shacabka reer Puntland laabta ugu qaboojiyay in ninkan uu ku jiro gacanta Puntland, kaasi oo tahriibiyay dhalinyaro badan.
“Waxaa kaloo xalay lagu guulesytay in la soo qabto ninkii magafe ee bilihii ugu dambeeyay wadanka wareeriyay, ee ilmihii loo keeno ku bixinayay laba boqol oo Dollar, oo dad badan reer Boosaaso ah tahriibiyay.” Ayuu yiri Dhedo.


