Mudug-RisaalaFM- In ka badan 50 Maxbuus ayaa dib loogu soo celiyay xabsiga dhexe ee gobolka Mudug, kadib markii dayactir lagu sameeyay xabsiga.
Inta uu socday dayactirka xabsiga dhexe ee gobolka Mudug ayaa Maxaabiistii ku xirnaa waxaa loo gudbiyay xabsiga dhexe ee magaalada Garowe caasimadda maamulka Puntland.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta maamulka Puntland ayaa sheegay in Maxaabiista dib loogu soo celiyay xabsiga dhexe Mudug, oo in mudo ah ay ka maqnaayeen, maadaama dib u habeyn lagu sameynayay.
Wuxuu ganacsatada Puntland ugu baaqay Taliye ku xigeenka in ay ka qeyb qaataan dayactirka lagu sameynayo xabsiga dhexe ee gobolka Mudug, oo baahiyo badan ay ka jiraan, wuxuuna sheegay Puntland in kaalinteeda ay qaadan doonto.
“Halkani waa xabsiga gobolka Mudug oo hada ay isugu yimaadeen Guddiga gobolka Wasiir ku xigeenka Cadaalada, Taliska Ciidanka Asluubta, kadib markii go’aan lagu gaaray in dib u fur lagu sameeyo qolalkii hore ee Maxaabiista.” Ayuu yiri Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta maamulka Puntland.


