Maamulka Gobolka Hiiraan oo Amray in la xiro cid kasta oo la macaamiisha Al-Shabaab.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Awaamiir xoogan ka soo saaray xaalada Amni ee Gobalka Hiiraan , iyaga oo farriin culus u diray cid kasta oo la macaamiisha Ururka Al-Shabaab.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan oo uu Warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Maamulka ayaa lagu sheegay in aMaamulka Gobolka Hiiraan oo ka duulaya xaaladaha Amni ee kajira gobolka Hiiraan & in wax laga qabto .

Sidoo kale waxaa uu sheegay Afhayeenka in ay kordheen dadka la macaamilaya Al-Shabaab loona baahan yahay in laga hortago si aysan ugu shubin ficiladooda ay soo saareen Awaamiirtaan.

1: Waxaa la faray laamaha Amniga Gobolka Hiiraan inay xiraan cidkasta ooaada lana macaamiisha Al-Shabaab tallaabadana ka qaadaan una arkaan inay yihiin Al-Shabaab.

2: In Maamulka gobolka Hiiraan uu wado dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu sugayo amniga, isla markaana uu diiwaangelinayo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee ka howlgalla Magaalada Beledweyne si loo ilaaliyo Nabadgelyada Guud.

Awaamiirtaan kasoo baxday Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa daba socotay kadib markii todobaadyadii la soo dhaafay ay kordheen falalka Amni darro ee ka dhacaya Magaalada Beledweyne ee Gobolkaasi Hiiraan.