Maamulka G/Banaadir oo soo bandhigay hab maareynta Barakacayaasha

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daah-furay shir heer sara ah oo ay dowlada hoose Xamar kusoo bandhigeysay siyaasada lagu maareynaayo barakacayaasha kuwaas oo tira ahaan lagu qiyaasay iney kor u dhaafeen 500.000 (shan boqol oo kun qof).

Daah-furka shirkani waxaa xaadir ahaa wasiir ku-xigeenka howlaha guud ee XFS qaar kamid ah gudoomiyaasha gobolada iyo duq-yaasha magaalooyinka ee dowlad goboleedyada dalka iyo xubna ka ka socday hey’adaha deeq bixiya yaasha.

Shirka oo dhorw saacadood socday ayaa goobta lagu soo bandhigay qorshaha ay dowlada Xamar ugu talagashay xal u helida arimaha barakacayaasha iyo sidii loo abuuri lahaa fursado ay barakacayaasha kuheli lahaayeen dib u dajin.

Guddoomiyaha gobolka Baay Cali Wardheere Dooyoo, Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhaxe Axmed Meyre Makaraan iyo duqa magaalada Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Xuseen (Too-Toole) ayaa si Wadajir ah u bogaadiyay qorshaha maareenta barakacayaasha Muqdisho.

Wasiir ku-xigeenka howlaha guud, dib udhiska iyo guryeenta ee XFS ayaa ka hadlay masuuliyada qof kaste ka saaran arimaha maareenta barakacayaasha.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo shirkani daahfuray waxa uu ka hadlay qorshaha maamulkiisa uga dagsan maareenta nolasha dadka barakacayaasha.

Shirkani kadib ayaa maamulka gobolka Banaadir iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa howla kormeer ah ku sameeyay qaar kamid ah kaamamka ay kunool yihiin dadka barakacayaasha ah kuwaas oo la nool daruufa dhinaca nolasha ah iyagoo deegaansaday gurya ka sameysan baco iyo cooshada aan ka difaaci karin dhaxanta iyo cadceeda waxaana usii dheer in xili roobaadka ay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan.