Maamulka G/Banaadir oo ka shirey Amniga & u diyaar garowga Roobabka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Shir gudoomiyay Shirkii asbuuclaha ahaa ee Maamulka sare iyo gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka banaadir.

Shirka Waxaa looga hadlay diyaar garowga Roobabka Magaalada Muqdisho Cayaarta finalka Waaberi iyo Dharkeynley Kor uqaadista Dakhliga Dowlada Hoose iyo xaalada Amniga Caasimadda.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa Duqa muqdisho waxaa ay u gudbiyeen Warbixinta todobaadlaha ah ee Shaqooyinkii ay qabteen iyo Amniga degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir kula dardaarmay inay si hufan ugu adeegaan Shacabkooda,isla markaana ka Shaqeeyaan sugida Amniga.

Habeen ka hor guddoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa la kulmay Guddoomiye kuxigeennada Amniga degmooyinka,isaga oo sheegay in bilihii la soo dhaafay lagu guuleystay sugida Amniga Magaalada Muqdisho.