Maamulka G/Banaadir oo ka shirey Amniga Caasimadda

Kulan intiisa badan looga hadlay Ahmiyadda Amniga Caasimadda ayaa lagu qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.,waxaana Shir guddoomiyey Agaasimaha xafiiska Duqa, iyadoo ay Goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimaha Amniga iyo Dariseynta Gobolka Banaadir, Lataliayaha Duqa Magaalada Muqdisho dhanka Amniga, Saraakiil iyo Sarreeyeyaal ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo Guddoomiye Kuxigeennada Maamulka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Inta uu kulanku socday waxaa lagu soo bandhigay warbixin ka hadleysa Horumarrada laga gaaray Amniga caasimadda, iyadoo lagu dheeraaday Xaqiijinta Amniga Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la isku raacay in la Casriyeeyo habka warbixinnada dhacdooyinka ka dhaca Caasimadda loogu soo gudbiyo Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyntii waxaa shirka erayo dhiirri gelin ah ka jeediyay kadibna soo xiray Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Aadan Shiikh Cali Fiidow.

Kulankan ayaa yimid iyadoo laga duulayo Hal ku dhigga Madaxda sare ee Maamulka Gobolka Banaadir oo ahayd in la helo Bulsho Nabad ah iyo Beled nadiif ah